Shir la xiriiray xaaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya oo lagu soo gunaanaday Muqdisho.

Monday November 23, 2026 - 10:20:18
MeMO Staff
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa hawl-galka AUSSOM, Al-Xaaj Ibraahiim Jeen, ayaa Axaddii shalay soo afmeeray shir xasaasiya oo lagu gorfeynayay xaaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya.
Shirkan oo muddo dhowr cisho ah ka socday caasimadda Muqdisho, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray qorshaha bixitaanka ciidamada Afrikaanta, kadib markii uu fashilmay duullaanka gardarrada ah ee ka socda Soomaaliya muddada labaatanka sano ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay AUSSOM, kulankan waxaa ka qayb-galay wakiillo ka kala socday Midowga Afrika, Kooxda Villa Soomaaliya, dalalka ciidamada calooshood-u-shaqayaasha ah uu soo diray Soomaaliya ee isbahaysiga AUSSOM, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika iyo sidoo kale Xafiiska UNSOS ee UN-ka u qaabilsan taageerada ciidamada AUSSOM.

Shirkan ayay falanqeeyayaashu tilmaameen in haba yaraatee aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxday, maadaama ilaa hadda aan xal loo helin caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ragaadiyey hawl-galka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya.

Sida ay falanqeeyayaashu ka dhawaajiyeen, shirkani xattaa kuma uusan guulaysan xal u helidda caqabadda maalgelinta ee sida gaarka ah ula xiriirta bixitaanka ciidamada iyo kharashaadkii lagaga daad-gureyn lahaa dalka Soomaaliya.

Si kastabah ha ahaatee, kulanka ayaa yimid xilli bisha soo socota ee dabayaaqada sanadkan la filayo in waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay ka shiraan bixitaanka ciidamada Afrikaanta, kadib fashilka ku yimid hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences